Prof Dhalxa: intii aan qof dulmin lahaa, aniga ha la i dulmiyo"


 Guddiga hirgelinta doorashada heer dawlad gobolleed SEIT Ee Koonfur Galbeed ayaa soo saaray liiska musharaxiinta u tartamaysa 13 kursi oo doorashadooda lagu wado inay ka dhacdo magaalada Baraawe.


13 kursi ayaa waxaa ku tartami doona 26 murashax oo u taagan in ay ka mid noqdaan baarlamaanka 11-aad ee federaalka.


Kursiga sumadiisu tahay Hop080 ayaa waxa sida ay guddiga shaaciyeen waxaa isu diinwaan geliyey Aweys Xuseen Macalin iyo Maxamed Cusmaan Jibriil,waxaana sidaas meesha uga baxay Prof, Dalxa.

ursiga tirsigiisu yahay Hop#080 waxaa muddo ka badan 15 sano ku soo fadhiyay Prof Maxamed Cumar Dhalxa.

Muxuu ka yiri Prof Dhalxa

Prof Maxamed Cumar Dhalxa ayaa sheegay in hab-raacii loo baahnaa aaan loo marin tartanka kursigii uu isaga horey ugu fadhiyay.

Waxaa uu intaa ku daray in odeyaashii saxda ahaa ee beeshiisa aan talada laga qayb galin isalmarkana ay dad kale howsha wataan.

"Odayashii sharciga ahaa ee beeshu ay lahayd sida suldaanka iyo nabad doonka guud iyo labadii bulshada rayidka kuwiiba lama aqbalin," ayuu yiri Prof Dhalxa.

Xildhibaan Dhalxa ayaa xusay in ergada kursiga imika dooranaysa ay yihiin kuwa uu soo gudbiyay musharaxa sida uu sheegay "kursiga loo xiray".

"Ninka meesha loo waday ee ah nimanka meesha loo xiray ayaa rag uu gudbistay ayaa loo shaaciyay oona lagu tilmaamay dadkii soo xuli lahaa ergada dooranaysa xildhibaankooda," ayuu intaa diray Prof Dhalxa.

Prof Dhalxa ayaa farta ku fiiqay in uu musharax yahay iyo in kale aanba la isla gaarin oo kursigii beehsiisa horey-ba go'aan looga gaaray oo uu jiro "qof gaar ah oo lala doonayay".

"La islama gaarin aniga ama aan is sharaxo ama aan ka baaqdo, ninkaas ayay messhu u shidnayd isaga ayaana lala jeclaa, qofkii la jeclaaday iyo dadkii ay isku afgarteen sidii ay iyaga la ahayd ayay wax u sameeyn tii ilaahy-na waa halkeda, qof in la magacaabo ay ka go'nayd ayuu ahaa waan magacaawdeen," ayuu yiri.

Prof Maxamed Cumar Dhalxa ayaa xusay in uusan isaga doonayn in u noqdo qofkii wax dulmin lahaa islamarkana uu ku faraxsan yahay in uu dulmane noqdo.

"Aniga waxaan ku faraxsanahay in la i dulmiyo , hadiiba ay dhaceyso kii wax dulmiyay in aanan noqon oo barito aan ilaah subxaanahu watacaalaa la hortageyn oo markaas aan qofkii la dumiyay aan noqdo," ayuu yiri Prof Dhalxa.



Post a Comment

0 Comments